Archived page: may contain outdated information!

Somalia: Collaada iyo Roob Yarida Waxay Dheereeyeen Sugnaan La’aanta Cuntada

29-06-2012 News Release 12/132

Gudiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxay ka walaacsan tahay xaalada qeybo badan oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, kuwaaso weli u nugul cunto yari sanad ka dib markii ay bilaabatey abaarta.Xaalada ayaa u muuqata mid sii jiri doonto iyadoo ugu wacan tahay abaarta iyo colaadaha socda oo isbiirsadey.

This is the Somali version of our news release Somalia: conflict and uneven rainfall prolong food insecurity

“Waxaa mahad iska leh dadaalada samafaleed iyo dalagii ugu dambeeyey ee soo go’ay, xaalada guud ee nafaqada ayaa soo hagaagtey tan iyo sanadkii tagey. Laakiin, Soomaali badan ayaa weli la daaladhacaya inay helaan baahidooda aasaasiga ah, qiyaasta nafaqodaradana cirka ayey isku shareertey,” sidaa waxaa yiri, Olivier Humbert Droz, ku xigeenka madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC). “Intaas waxaa dheer, isku dhacyada hubeysan ee sii socda waxay ku qasbayaan dadka inay ka cararaan guryahooda ama carqaleedayaan waxsoosaarka cuntada iyo holwlaha kale ee dhaqaalaha.”

“Roobabkii da’ey bilhii Abriil iyo Juun way ka yaraayeen heerka caadiga ah meelaha qaarna ma helin roobab ku filan, taasi waxay khatar gelineysa awoodii qoysas badan ugu tacban lahaayeen beerahooda ama ku dhaqan lahaayeen xoolahooda si ay u daboolaan baahidooda,” waxaa yiri Olivier. “Awoodan waxaa sii yareeyey isku dhacyo hubeysan iyo xaalado amaan dari ah.”

Tan iyo bilowga abaartii iyo nafaqodaridii 2011-da, ICRC-da oo kaashaneysa Ururka Bisha case e Soomaaliyeed, waxay caawisey ilaa labo milyan oo qof si ay u helaan raashiin aasaasi ah oo ay u baahnaayeen iyadoo ka fulisey gargaar balaaran bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland. Cunno qeybintii dhoweyd ee loo sameeyey 764,000 beeraley ah, xoolo dhaqato iyo dad ay barikiciyeen dagaalada waxaa loogu talo galey muddo labo bilood ah waxayna ka koobneyd bariis, digir, saliid iyo boorish si loo daboolo gaajada ka hor beer goosashada bisha Julaay. Dadka heley raashinka waxay awood u yeesheen inay ceshtaan agab muhiim u ah noloshooda oo ay ku gadi lahaayeen qiimo jaban.

“ICRC-da waxay ka jawaab bixineysey baahida deg deg ah iyo mida fog ee Soomaaliya iyadoo fulineysa mashaariic loogu tala galey in dib loogu soo celiyo laguna hagaajiyo nolosha iyo sugnaanta dhaqaale ee bulshooyinka ay aafeeyeen sanado badan oo dagaal iyo masiibooyin dabiici ah,” Sidaa waxaa yiri Maxamed Sheikh Cali oo ah isu duwaha mashaariicda sugnaanta dhaqaale ee dalka. “Ujeedadeenu waxay tahay inaan hagaajino isku filnaanshaha. Marka dhinca layska dhigo masiibooyinka dabiiciga ah, kuwa helay gargaarka waxay heysataan raashiin ku filan oo ay ku daboolaan baahidooda aasaasiga ah ee guriga ugu yaraan lix bilood.”

Inkastoo cunno qeybinta mar mar loo baahan yahay si loo yareeyo dhibatada dhow, ICRC-da waxay caawisaa bulshooyinka si ay u xoojiyaan ama u nagaadiyaan habkooda taageero.

Intii lagu jirey sanadkii tagey, in ka badan 640,000 oo qof ayaa waxay ka faa’ideysteeen howl ay fulisey ICRC-da si kor loogu qaado waxsoosaarka cuntada ee beeraleyda iyo xoolo dhaqatada, tusaale qeybinta agabka beeraha iyo daweynta xoolaha. Intaas waxaa dheer, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa heley biyo nadiif ah.

Labaatankii sano ee la soo dhaafey, ICRC-da waxay ka jawaabeysey baahida deg dega ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo ka caawineysa bulshada Soomaaliyeed inay ka gudbaan dhibaatooyinka is biirsadey iyo inay awoodooda dhisaan si ay u caawiyaan naftooda.

Wixii warar dheeraad ah kala xiriir:

Fatuma Abdulahi, ICRC Nairobi, tel: +254 731008754