Dadaalada samafaleed ka Sakow, sandaka 2012-ka weli waa mid Caqabado wata

31-08-2012 Operational Update

Dadka Soomaaliyeed weli waxay la kulmayaan caqabo cunto yaraan iyo colaad ah lixdii bilood ee ugu horeysey sanadka 2012-ka. Ka sakow xaaladaha adag, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, ICRC, waxay raashin u qeybisay 1.4 milyan dad ah oo ku sugan dalka tan iyo horaantii sanadka.

Inkastoo sugnaanta cuntada ay si tartiib tartiib ah u soo hagaagtay tan iyo Markii 2011ka, ay abaartu gaartay halkii ugu darnayd, roob yaraan iyo caqabado kale oo jiray iyo wax soo saarka oo yaraaday ayaa ka dhignaa in heerarka nafaqo daradu uu weli ahaa mid khatar ah iyo in dadka aadka ugu nugul ay ku qasban yihiin inay helaan nolol.

"Nassib darro, 2012-ka wuxuu ilaa iminka caqab kale ku noqday Soomaali badan, kuwaas oo u dulqaadanaya dhibaatooyin badan oo ay sababeen colaadaha iyo xaalado cimilida ah.," sidaa waxaa yiri, Patrick Vial, madaxa ICRC Ergada Soomaaliya.

Muddo 21 sanno ah, ICRC waxay dalka ka fulinaysay howlaheeda gargaarka aadinimada ah. "Xaqiiqda ah in isbitaalka Keysaney ee Muqdisho, oo ay ICRC-du taageerto, Hadana ay gacanta ku hayso ama maamusho Bishas Cas ee Soomaaliyeed. Taas oo muujinaysa sida ay u weyn tahay baahida jirta iyo ka go'naanshaheena aan wax kaga qabanayno baahidaas," waxaa yiri Vial. "Waxaan jeclaan lahaa inaan amaano shaqaalaha oo dhan, kuwaasoo ka shaqeynayey isbitaalka sanadahaas isla markaana bixinayay howshan halista ah ee lagu badbaadinayo nolosha bulshada."

Xaalada waxaa sii xumeeyey colaadaha oo ka sii socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo dowlada ku meel gaarka ah iyo taageeraiyaasheeda caalamiga ah ay qabsadeen dhul ay ka talin jireen Al Shabab. Isku dhacyo beeleed oo baahsan iyo deganaansho la'aan sii socoto ee u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland taasoo ay ugu wacan tahay murunka gobolada Sool iyo Sanaag ayaa sababay qasaare, barakac iyo xaalado kale oo aadaminimo.

Gargaar deg deg ah iyo kaalmeynta dadka si ay isugu filnaadaan

12-kii bilood ee laga soo gudbay, howlaha ICRC-da ee Soomaaliya waxaa ugu muhiimsanaa bixinta taageero deg deg ah si wax looga qabto sugnaan la'aanta cuntada ay sababeen abaaraha iyo baahida kuwa ay soo gaareen dhaawacyada la xiriira hubka. ICRC-da waxay samaynaysay intii karaankeeda ah si ay jawaab uga bixiso sida ugu haboon uguna macquulsan baahidan dega dega ah iyadoo ku shaqeyneysay daruufo adag oo kala duwan.

"Hayadda ICRC-da waxay samaynaysey dadaal sii socda oo ay ku kaalmeynayso dadka si ay u helaan nolol aan ku tiirsaneyn taageero dibada ah, tusaale, iyadoo la siinayo abuur iyo qalab. Inagoon la shaqaynayna Uruka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, waxaan xaqiijinay in caafimaadka aasaasiga ah uu yahay mid la heli karo," sidaas waxaa yiri Patrick Vial. Hadda oo lasoo dhameeyay cunno qaybintii deg deg ahayd, waxaan awoodi doonaa inaan xooga saarno howlaha kale."

Jawaabta ICRC-da ee cunto yaridda

Cunto qeybintii deg deg ahayd ee looqaaday ka jawaab bixinta qalalaasahii bilowday 2012-ka taasoo ka dhalatay abaaraha iyo colaada waxaa lasoo gabagabeeyay ka hor dhamaadka bisha Ramadan iyo Ciidul Fitriga. 420,000 dadka nugul ah oo ku nool Muqdisho oo ay ku jiraan agoon, xaasaska laga dhintay iyo dadka da'da ah ayaa waxaa la siiyay raashiin ka kooban bariis, digir, saliid iyo boorish. Tan iyo bilowgii sanadka, 720,000 oo kale ee ku nool Koonfurta, bartamaha Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxaa la siiyay gargaar cunto oo la mid ah. Guud ahaan, inta u dhaxeysa bilaha Luulyo iyo bartamaha Agoosto 2012-ka raashiin deg deg ah ayaa waxaa la siiyay 2.5 milyan oo Soomaali ah.

"Nasiib wanaag, xaalada nafaqo ee Soomaaliya way soo hagaagtay tan iyo markii abaartu gaartay halkii ugu darnayd Luulyadii lasoo dhaafay,.si kastaba ay ahaato, kasakow daadaalada aadaninimo ee hayadaha gargaarka, dad badan ayaa weli waxay wajahayaan dhibaatooyin badan," sidaa waxaa yiri, Maxamed Sheikh Cali, oo ah isu duwaha mashaariicda sugnaanta dhaqaale ee ICRC ee dalka.

"Dadka ugu baahida badan waa kuwa ay saameeyeen colaada ama masiibooyinka dabiiciga ah- gaar ahaan dadka barakacay, beeralayda, xoola dhaqatada iyo qeybo ka tirsan dadka xaqiran," ayuu yiri. "ICRC'da waxay u caawisaa siyaabooyin kala duwan oo mid waliba loo qaabeeyay inuu wax ka qabto baahi cayiman. Xaaldaha ded deg ag, waxaan siinaa samafal halka isla markaana aan u diyaar garoobeyno inaan ku caawino dadka inay dib u soo cliyaan kaabiyaasha noloshooda, inagoo u qaybinayna qalab iyo abuur, sarana u qaadayna kaabiyaasha beeraha isla markaana fulinayna mashaariic yar yar oo xaga dhaqaalaha ah.

Marka lagu daro cunno qaybinta, abuur iyo qalab ayaa waxaa loo qaybiyay 42,000 oo dad ah ilaa hadda sandkan. Howl dayactir kanaalada ah ayaa waxay awood u siisay 33,000 oo qof inay hagaajiyaan wax soosaarka beerahooda.

20 sanno oo daryeel caafimaad ah oo ka socda Isbitaalka Keysenay

2dii Febraayo 1992-dii, xili ay ka socdeen dagaalo xoogan maggalada Muqdisho ka dib dhicitaankii dowladii Maxamed Siyaad Barre, Isbitaalka Keysanay ayaa la furay. dhismaha isbitaalka, oo markii hore loo isticmmalay xabsi ahaan, ayaa ICRC u rorgtay Isbitaal, shaqaalaha waxay bilaabeen inay bixiyaan qaliin xagga dagaalada ah iyo daryeel caafimaad oo deg deg ah. Isbitaalka Keysanay maanta waxaa gacanta ku haya oo maamula Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed

"labaatan sanno oo khilaaf hubeysan ah ayaa wuxuu waxyeeleeyay dad badan iyo dalka guud ahaan., taasoo keentay qalalaase aadininimo oo daba dheeraato," sidaa waxaa yiri, Yusuf Hassan, agaasimaha Isbitaalka tan iyo 2004-tii, mar uu isbitaalka xusayay sanad guuridii 20-aad.

"Dagaaladii u dhaxeeyay garabyadii siyaasadeed ayaa waxay sababeen inay burburaan kaabiyaashii aasaasiga ah oo ay ku jiraan isbitaalada dalka oo idil. ka sakow kuwan oo dhan, Isbitaalka wuxuu daweeyey in ka badan 216,000 dad ah oo ay ku jiraan 30,000 bukaan dagaalada ku dhaawacmay tan iyo intii la aasaasay labaatan sanno ka hor. Waxaan rumaysanahay inaan awoodnay inaan shaqaynayo muddo iyadoo ay ugu wacan tahay eexasho la'aanteena iyo dhex dhexaadnimadeena."

Intii u dhexaysay bilaha Jaanyo iyo dhaamadka Agoosto, ICRC-da waxay kaloo:

  • Ku caawisay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed inay bixiso daryeel caafimaadka aasaasiga ah oo loogu talagalay 700,000 qof. Shaqaalaha caafimaadka waxay daaweeyeen in ka badan 300,000 bukaan ayna agaasimeen 48,000 oo talaal ah. Intaas waxaa dheer, waxay ku daaweeyeen 45500 qof oo nafaqo darro hayso 43 xurumo caafimaadka aasaasiga ah.
  • Waxay taageero siisay isbitaalada Madiina iyo Keysaney ee Muqdisho halka 6,800 ay bukaan hayaan xanuunka dhimirka lagu daaweeyay.
  • Waxay siisay qalab caafimaadka deg deg ah, 11 meelood oo kala duwan oo baahiyo ka jireen kuwaas oo codsiyo ka yimaadeen, seddex xarumo caafimaad oo loogu tala galay bukaanada dagaalada ku dhaawacma
  • Waxay biyo u dhaamisay in ka badan 22,300 qof oo ka soo barakacay Buuhoodle.
  • Waxay dayactirtay ceelal riigag ah, ceel gacmeedyo iyo waro koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo qeybo ka tirsan Puntland, iyadoo u sahashey 51,000 oo qof inay helaan biyo nadiif ah.
  • Waxay hagaajisay xaaladaha nololeed ee kun qof oo lagu xiray Xabsiga Muqdisho, iyadoo u qaybisay joodariyaal, bustooyin, Kabo saandal ah iyo agab kale oo nadaafada ah.
  • Waxay fulisay howl fariimaha qoyska ah iyadoo la kaashanaysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed taasoo u suurta galisay 256 qoys inay dib u la xiriiraan qarrabadooda, kuwaasoo ay kala geeyeen dagaaladu.

Photos

Ciid Bidka – Dhusamareb - Galgaduud - Soomaliya - Abriil 2012: Gudiga Caalamiga ee Laanqeeyrta Cas oo cunto u qeebineeysa Barakacayaal. 

Ciid Bidka – Dhusamareb - Galgaduud - Soomaliya - Abriil 2012: Gudiga Caalamiga ee Laanqeeyrta Cas oo cunto u qeebineeysa Barakacayaal.
© ICRC / M. Yerow / v-p-so-e-00645

Cadaado - Galgaduud - Soomaliya - 2010: Shaqaalaha Bisha Cas oo miisaamaya culeeyska ilmaha yar-yar inta aan loo gudbin xarunta nafaqeeynta caruurta. 

Cadaado - Galgaduud - Soomaliya - 2010: Shaqaalaha Bisha Cas oo miisaamaya culeeyska ilmaha yar-yar inta aan loo gudbin xarunta nafaqeeynta caruurta.
© ICRC / M. Yerow

Xamar Weyne - Muqdisho - Soomaliya - Luulyo 2012: Gudiga Caalamiga ee Laanqeeyrta Cas oo cunto u qeebisay Barakacayaal. 

Xamar Weyne - Muqdisho - Soomaliya - Luulyo 2012: Gudiga Caalamiga ee Laanqeeyrta Cas oo cunto u qeebisay Barakacayaal.
© ICRC / O. Warsame / v-p-so-e-00648

Galgaduud - Soomaliya - Abriil 2012: Mudulada ay sameeysten barakacayaasha dhiban. 

Galgaduud - Soomaliya - Abriil 2012: Mudulada ay sameeysten barakacayaasha dhiban.
© ICRC / M. Yerow

Cidka Bidka - Dhusamareb – Soomaliya - Abriil 2012:. Shaqalaha Gudiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas oo kormeeraya barakacaal degan Galgaduud si eey u ogaadaan sida hay'adu wax u tareyso. 

Cidka Bidka - Dhusamareb – Soomaliya - Abriil 2012:. Shaqalaha Gudiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas oo kormeeraya barakacaal degan Galgaduud si eey u ogaadaan sida hay'adu wax u tareyso.
© ICRC / A. Sheikh